Latest News

Somalia: 7 Xubnood Oo Ka Mid Daacish Oo La Qabtay

Garoowe, June 25, 2022 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland (PSF) ee sida gaarka ah u tababaran ay soo qabteen toddoba sarkaal oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraha Cal Miskood ee gobolka Bari.

Hawlgalkan lagu qabqabtay raggan ayaa yimid kadib markii ciidamada PSF ay heleen xog ku saabsan in Daacish ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan dhulka xeebaha ku yaala ilaa Xaafuun. Intii hawlgalku socdey ayaa waxa gacanta lagu dhigay afar kamid ah kooxda Daacish, waxaana lagu qabtey inta u dhaxaysa Tuulooyinka Timirshe iyo Tuulo Ciise oo ka tirsan gobolka bari, halka sidoo kale saddex kamid ah Daacish ayaa lagu qabtey toga Maroodi-magale oo wax yar u jira Timirshe. Raggan ayaa dhamaantood u dhashey qawmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana ay shixnado u qaadi lahaayeen buuraleyda Cal Miskood ee kooxdu ku gabbato.

Qawmiyadda Oromada ayaa muddooyinkii danbe si weyn uga mid noqonaayey Daacishta ku dhuumaaleysata buuraleyda gobolka Bari, kadib markii ay hoggaanka ururkaas la wareegeen.

Magacyada xubnaha la qabtey ayaa kala ah: 1- Kabana Nagsa Bulja, 2- Abdalle Tadhase Gafaso, 3- Qasim Suleyman Jibril, 4- Yusuf Tuna Dubey, 5- Yasin Abdow Awal, 6- Anwar Fathi Abagatow, 7-Isaq Kamal Qasim.

Ciidanka PSF ayaa gaarey togga Jaceel ilaa degmada Xaafuun, waxaana hawlagalku ahaa mid lagu baacsanaayey kooxda Daacish ee buuraleyda gobolka bari ku sugan.

Gobolka Bari ayaa waxaa sanado badan ka dagaalamaya kooxo kasoo horjeeda maamulka Puntland, kuwaasi oo xubno ka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Connect with us on Facebook