Somaliland: 8 Qof Oo Cusub Laga Helay COVID19

Hargeysa, May 27, 2020 (Haatuf) – Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in Sideed qof (8) oo cusub laga helay xanuunka COVID-19 maanta oo Arbaca ah.
Kuwaas oo dhammaantood oo ay yihiin Somalilander, isuguna jira 5 qof oo rag, iyo 3 qof oo dumar ah, hase yeeshee da’da Bukaanka ah ee cusub waxa ay u dhaxaysaa sidan:
(20jir ilaa 29jir = 1 qof)
(30jir ilaa 39jir = 6 qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)
Bukaanadan dhamaantood waxa ay degan yihiin Hargeysa.
Waxaa xanuunka ka bogsaday 2 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Saddex iyo Labaatan (23).
Maanta dhimasho ma jirto.
Leave a comment