Latest News

Somaliland Iyo Taiwan Oo Kala Saxeexday Heshiis Ku Saabsan Tiknoolajiyada.

Hargeysa, May 22, 2024 (Haatufonline) -Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL iyo Xafiiska horumarinta Maalgashigga ee Taiwan ICDF ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22/05/2024 kala saxeexday heshiis taariikhi ah oo lagu hir-gelinayo Dhismaha Mashruuca Xarunta kaydka Xogta iyo Sugidda Amnigga Xogta Tiknoolajiyadda Qaranka (National Data Center and Cyber Security Center).

Heshiiskan oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknooljiyadda JSL, Mudane Dr. Ahmed Yusuf Idiris iyo Safiirka Dalka Taiwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, Ambassador Allen Lou.

Heshiiskan oo ay si rasmi ah u kala saxeexdeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Yusuf Warsame Hassan iyo Safiir ku-xigeenka Dalka Taiwan ee JSL, Mudane Nabil Chen-Chi Wu. Saxeexa heshiiskan oo ka qabsoomay Xarunta Guud ee Wasaaradda ayaa ku soo dhammaaday si guul ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*