Latest News

Somaliland Oo Dhambaal U Dirtay 61-Jirka Loo Doortay Raysal Wasaaraha Ingiriiska.

Hargeysa, July 5, 2024 (Haatufonline) -Xukuumada Somaliland ayaa bogaadisay Raysal-wasaaraha cusub ee Ingiriiska oo loo doortay Keir Startmer oo ka tirsan Xisbiga shaqaalaha UK.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay dhambaal diiran oo hambalyo ah u dirtay Raysal-wasaaraha la doortay ee Ingiriiska Keir Starmer.

Xukuumadda Somaliland waxa ay sheegtay inay ka filayso Raysal-wasaaraha Ingiriiska Keir Startmer inuu kor u sii qaado xidhiidhka Somaliland iyo UK.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalikand Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray xildhibaan Gavin Williamson oo dib loogu doortay xilkiisii Xildhibaanimo.

Wasiir Ciise Keyd wuxuu ku tilmaamay Md. Gavin Williamson saaxiib weyn oo muddo dheer taageerayay Jamhuuriyadda Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*