Latest News

Somaliland Oo Sheegtay inay samaysay guddi hawleed loo xilsaaray dedaallada aqoonsiga.

Hargeysa, August 1, 2024 (Haatufonline) – Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay samaysay guddi hawleed heer Wasiiro ah oo loo xilsaaray dedaalada aqoonsiga Somaliland.
Sida lagu sheegay war ay Wasaaradda Arrimaha dibadda JSL ku baahisay Barteeda X (Twitter), taas oo tilmaantay in Somaliland tallaabo muhiim ah u qaaday dhinaca aqoonsiga.

Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxay xustay inay aasaastay guddi gaar u ah qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland oo heer Wasaaradeed ah, kuwaasi oo ka hawl-geli doona raadinta dedaallada iyo xeeladaha aqoonsiga.

Waxa kaloo ay intaas ku dartay in tallaabadani xidhiidh la leedahay hindiseyaasha socda ee xukuumadda oo uu ka mid yahay heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya wada galeen 1dii bishii January 2024 ee ku wajahnaa saldhiga millatari ee badda ee Somaliland ka kiraynayso Itoobiya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*