Soomaaliya Oo Amaro Ku Soo Rogtay Kenyan-Ka Doonaya Inay Dalkeeda Soo Galaan

Muqdisho, December 7, 2020 (Haatufonline) – War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhamaanba muwaadiniinta Kenyan -ka ah ee imanaya Soomaaliya in looga baahan yahay in marka hore dal ku gal ay ka soo qaataan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.
Hay’adda ayaa sheegtay in ay arintan u sameyneyso xaqiijinta Amniga iyo waliba yareynta khatarta cudurka Covid19, sidaa daraadeed looga baahan yahay dadka ku safraya Baasaboorka Kenyan -ka ah in ay dal ku-galka ka soo qaataan safaarrada Soomaaliye ee Kenya.

Leave a comment