Soomaaliya Oo Ku Eedeysay Kenya Inay Faro Galin Siyaasadeed Iyo Mid Amni Ku Hayso Dalkeeda
Muqdisho, Jan-5, 2020 (Haatuf) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay faragelinta siyaasadeed iyo mid amni oo ay ka wado dowladda Kenya gudaha Soomaallya, taasoo aan u wanaagsanayn xidhiidhka labada dal iyo labada shacab ee Walaalaha iyo deriska ah. iyo xal u helida mushkiladaha gobolka ee ay kamid tahay la dagaalanka Argagixisada.
War-saxafadeed
kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ee
Soomaaliya ku jooga magaca Amisom iyo midowga Afrika ay sameeyeen farogalin
siyaasadeed iyo khalkhal galin amniga oo gudaha ah.
“Sida ay qabaan xeerarka caalamiga ah oo ay ku
jiraan kuwa Golaha Amniga iyo African Union ee Ciidamada AMISOM ku joogaan
dalka Soomaaliya, waa in aan Dawladda Kenya u adeegsan Cildamadeeda ku jooga
Soomaaliya magaca dalada AMISOM faragelinta arimaha siyaasada gudaha iyo
khalkhal-gelinta amniga gudaha ee Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi
warsaxaafadeedka.
DFS waxay hadalkeeda ku dartay in mar waliba
raadinaysaa daris wanaag, ixtiraam iyo nabad ku wada noolaasho, ayna aqbali
doonin faraglin iyo khalkhal abuuris, taasoo aysan ku Jirin maslaxada gobolka
iyo nolosha shucuubta dagta.
Leave a comment