Soomaaliya Oo Laga Helay 79 Qof Oo Cusub Cudurka COVID-19
Muqdisho, May 5, 2020 (Haatuf) – Xanuunka COVID-19 ayaa aad ugu faafaya Soomaaliya, iyadoo hadda lagasoo sheegayo in dad hor leh laga helay xanuunkaasi, gaar ahaana maamul goboleedyada qaar, taas oo muujineysa in Coronavirus uu aad ugu sii faafayo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya sheegtay in dadka laga
helay ay gaadhayaan 79 qof oo cusub, waxaana kiisaskan laga soo sheegay
gobolka Banaadir, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr. Foosiya Abiikar Nuur oo
warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in kiisaska cusub la helay ay yihiin 38
xaalad oo Gobolka Banaadir ah, 22 kiis Jubaland laga
diiwaan-geliyay, 11 lagu arkay Koonfur galbeed iyo 8 qof oo la sheegay in
looga helay Puntalnd.
Wadarta isu-geynta dadka xanuunka COVID-19 ku qaaday Soomaaliya ayaa gaaraya
835 ruux, waxaa maanta u geeriyooday 3 ruux, halka la xaqiijiyay in 14
ruux ay ka bogsadeen.
Inkastoo xanuunka uu sii baahayo, haddana dowladda Soomaaliya waxay ku
dadaaleysaa sidii loo xakameyn lahaa.
Leave a comment