Latest News

Sucuudiga Oo Mamnuucay Qaadhaan Ururinta Loo Adeegsado Internet-ka Si Looga Hortago In Argagixisada Loo Diro.

Riyaad,April 18,2022(Haatufonline)-Dawladda Boqortooyada Carabta Ee Sucuudiga ayaa dalkeeda ka mamnuucday qaadhaan ururinta loo adeegsado Internt-ka ee dadka lagu weydiiyo inay ku yaboohaan lacag mucaawimo ah oo lagu gargaarayo cid baahan ama wax lagaga qabanayo masiibo dhacday.
Xeer-Ilaalinta Sucuudiga ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in kadib marki la ogaaday inay jiraan dad kooxaha argagixisada qaadhaan ugu ururiya Internet-ka ay dawladdu go’aansatay in la mamnuuco lacagta tabarucaadka lagu magacaabo ee Internet-ka lagu ururiyo iyo inay reebantahay in wax deeq ah loogu yabooho.
Siday Xeer-ilaalinta Boqortooyadu sheegtay hayadaha rasmiga ee dawladda oo qudha ayaa u xilsaarnaan doona hawlaha samofalka ah ee cid qaadhaan loogu ururinayo si loo hubiyo in aanay kooxaha xagjirka ahi ka faaiidaysan arimahaasi.

Connect with us on Facebook