Taageeroyaasha Al-Hilaal Oo La Calaacalay Ronaldo Oohintii Habeenkii Jimcaha Ee Garoonka Jidda.

Haatufonline,June 2,2024
Laacibka wayn ee Cristiano Ronaldo wuxu sanadkan ku taamayey in Naadigiisa Al-Nasar uu ugu yaraan ku guulaysto Koobkii Boqarka ee uu naadiga Al-Hilaal qaaday Jimcihii dhawayd ka dib markii uu Al-Nasar kaga guulaystay 5-4 ciyaar labadooda ku dhex martay magaalada Jidda.
Muraara-dilaaci ku dhacay Ronaldo waxa uu shaashadaha kasoo baxay isagoo jilbaha iyo gacmaha dhulka dhigay garoonkii ciyaarta lagu qabtay dhexdiisa oo ooyaya.
Qaar badan oo ka tirsan taageeryaasha Al-Hilaal ayaa xitaa baraha bulshada ku muujiyey dareen ay kula calaacalayaan oo ay kaga xunyihiin qalbi jabkii ku dhacay laacibka caanka ah.
Leave a comment