Taajir Ku Xidhan Xuutiyiinta Oo Ruushka U Dhoofiya Dhalinyaro Ka Qaybgala Dagaalka Ukraine.

Haatufonline,March 5,2025
Cabdulwali Cabdoo Xasan Al-Jaabiri oo ah gabacsade ka mid ah hogaamiyeyaasha Xuutiyiinta ayaa ugu yaraan dhawr boqol oo ka mid ah dhalinyarda reer Yaman u dhoofiyey dalka Ruushka si ay ugu biiraan ciidamada Ruushka ee dagaalka kula jira ciidanka Ukraine.
Qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee dalka Yaman iyo wargayska caanka ah ee Finacial Times oo si faahfaahsan arintan wax ugu qoray ayaa daboolka ka qaday in dhalinyaradan loo sameeyey balanqaadyo been ah oo laga saxeexay kontaraadyo (heshiisyo) ka hor intaan si qarsoodi ah looga dhoofin dalka Yaman ilaa Cumaan halkaas oo uu Cabdulwali Al-Jaabiri ku leeyahay shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Al-Jabri General Trading Company iyo shirkad kale oo ku magacaaban inay ka shaqayso arimaha dalxiiska iyadoo labada shirkadoodba ka diiwangashanyihiin magaalada Salaala ee dalka Cumaan.
Qaar ka mid ah dadka la dhoofiyey oo warbaahinta u waramay ayaa waxay sheegeen in shirkadda dalxiiska ee Al-Jaabiri qofkiiba ka qadaatay $3000 iyadoo loo balanqaaday in dalka Ruushka loogu diyaariyey shaqooyin mushahrkoodu gaadhayo ilaa toban kun oo doolar balse markii ay Ruushka gaadheen lagu qasbay inay tababar militari qaataan dabadeed la geeyey faroomaha dagaalka si ay uga mid noqdaan ciidamada Ruushka.
Dr Cabdulqaadir Al-Kharaaz oo wax ka dhiga jaamacadaha Yaman isla markaana ka ololeeya musuqmaasuqa iyo tahriibta oo arintan dabagal ku sameeyey ayaa tirada dhalinyarada ay shirkadda Al-Jaabiri Ruushka u dhoofisay ku qiyaasay 480 qof, iyadoo 2 bilood ka hor uu bartiisa Facebooka kusoo bandhigay nuqul ka mid ah dhakumentiga heshiiska laga saxeexay dhalinyardii Ruushka loo diray oo Afruush ku qoran.
Dhinaca kale dawladda Maraykanka ayaa maanta cunoqabatayn kusoo rogtay Cabdulwali Cabdoo Al-Jaabiri iyo lix kale oo ka mid ah siyaasiyiinta sar saree Xuutiyinta oo uu ka midyahay Afhayeenka kooxdaasi Maxamad Cabdulsalaam oo deggan dalka Cumaan.
Leave a comment