Latest News

Taakulaynta Ay Ka Helaan Xuutiga Oo Xoojisay Awood-Weerarka Alshabaab

Haatufonline,April 21,2025

Hawlgalada cul culus ee is-daba jooga ah ee uu ururka Ashabaab ka fulinayey Hiiraan,Shabeelada dhexe iyo nawaaxiga Muqdisho afarti bilood ee u dambeeyey ayaa waxay muujinayaan awood usoo korodhay Alshabaab oo ku saabsan dhinacayada taaktikada dagaalka iyo tayada sanaadda hubka ee ay adeegsanayaanba.
Sanadkan gudahiisa oo kaliya, Alshabaab waxay ugu yaraan 60 jeer laban laabeen tirada weeraradii ay sanadkii 2024 kusoo qaadeen fadhiisimada ciidamada dawladda Somalia taasoo ay haatan dib ugu qabsadeen deegaamadii hore looga xoreeyey intoodii badnayd.

Inta badan dadka falanqeeya guuldarooyinka ku dhacay ciidanka dawladda ayaa waxay sabab uga dhigaan oo kaliya musuqmaasuqa iyo hoggaan xumida dhabta ah ee ku habsatay ciidanka.
Hasa yeeshee waxa jirta arin aan wali lasoo hadal qaadin oo ah taakulaynta ay Alshabaab ka helaan Xuutiyiinta taaso la odhan karo waxay door aan la dhayalsan karin ka ciyaartay gulufka balaadhan ee Alshabaab kusoo qaaday ciidamada Somalia.
Xuutiyiinta iyo Alshabaab ayaa loo badinaya inay muddo dheerba ay hubka kala iibsan jireen laakiinse waxa labadii sanadood ee u dambeeyey soo shaacbaxay inay xidhiidhkoodii kor u qaadeen oo ay yeesheen iskaashi dhinacba ka kale ka faaiidaysanayo. Xuutiyiintu waxay Alshabaab u xilsaareen inay usoo gudbiyaan qalab iyo alaabooyin uga yimaadda Iran marka loosoo dhigo xeebaha Somalia iyadoo ay balanqaaden inay Alshabaab ku taakuleeyaan kuna tababaraan hub casri ah,isla markaana siiyaan rasaas iyo qoryo.
Maraykanka ayaa badhtamihii bishii hore duqayn xoog leh oo cirka ah ku bilaabay Xuutiyiinta iyadoo ay si gaar ah ula beegsanayaan goobaha ay kasoo ridaan gantaalaha kana soo kiciyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu Xuutigu ku weeraro maraakiibta marta Badda Cas.
Duqayntan oo si ba’an u naafaysay awoodihii Xuutiyiinta ayaa waxa suurto gal ah inay curyaamiso ama soo afjarto xidhiidhkii u dhaxeeyey Xuutiyiinta iyo Alshabaab.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*