Taankar Sida Gaska LPG Ee Iran Laga Qodo Oo Soo Gaadhay Muqdisho

Haatufonline,March 13 2025
Waxa 11/ 3/2025 dekadda Muqdisho kusoo xidh-dhay taankarka lagu magaacaabo Al Daib II oo sida gaska dalka Iran laga soo saaro ee cuntada lagu kariyo ee loo yaqaano LPG .
Shirkadda Hormood oo iyadu Gaskan keentay dalka Somalia ayaa sheegtay inay kasoo iibsatay shirkadda Basra Gas Company oo laga leeyahay dalka Ciraaq kadib markii uu lasoo xidhiidhay warbaahiyaha kenyainsights.com oo isagu baadhitaan ku sameeyey meesha shidaalkan asal ahaan laga keenay.
Hadaba Basra Gas oo ka jawaabaysa suaasha arintaas ku aabsan oo uu waydiiyay kenyainsights.com ayaa waxay qoraal ahaan ku beenisay in aanay habayaraatee wax Gas ah ka iibinin shirkadda Hormood ee laga leeyahay Somalia.
Dalka Iran ayaa waxa dhibaato ka haysataa iib-gaynta saliidda iyo gaska ay soo saarto taasoo ay ugu wacantahay cunaqabataynta ay Maraykanka iyo dawladaha Midowga Yurub kusoo rogeen Ia macaamilka Iran.
Sidaas darteed waxay Iran shidaalkeeda ku iibisaa sicir ka hooseeya ka caalamiga ah.
Hasayeeshee laamaha dawladda iyo shirkadaha wax ka iibsada ayaa waxay mutaysanayaan inay dalalka reer galbeedku kusoo rogaan cunoqabatayn la mid ah ta Iran saaran.
Cilmi baadhaha Guled Ahmed (Wiliq) oo dabagal qoto deer iyo falanqan ku sameeyey arintan ayaa soo bandhigay xogo muujinaya in gaska ay Hormood soo iibsatay yahay mid Iran laga soo saaray, waxaanu tilmaamay in arintani ay saamayn doonto Hormood iyo dawlada Somalia oo iyadu ku noolayd taageerada amni, dhaqaalee iyo aadaminimo ee ay mudada dheer la barbar taagnaayeen dawladaha reer galbeedku.
Guleed oo aritan ka faaloonaya ayaa caqli xumo ku tilmaamay in Hormood ay soo gadato dawladuna ka ogolaato gas ay cunoqabatayn Maraykan saarantahay waxaanu yidhi:” Sideebay arintan ugu badheedheen iyadoo la ogaa in shirkadda Haleel ee ka farcanta Hormood ay wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanku cunoqabatayn kusoorogtay March 11,2024 ka dib markii lagu eedeeyey inay Alshabaab u fududayso maydhista lacagaha”
Dadwaynaha ayaa inta badan ka cawda tayo xumada iyo qiimaha qaaliga ee Gaska la keeno Muqdisho.
Dhinaca waxa soo shaacbaxaya warar sheegaya in raaisal wasaaraha Somalia Xamse Barre oo sanadkii hore booqasho ku tagay Baqdaad uu saraakil ka tirsan dawladda Iran oo uu halkaas kula kulmay ay isku afgarteen in Iran ay shidaalka sicirka ugu jaban kaga iibiso ganacsatada Somalia .
Falanqeeyaha casnka ah C_NyakundiH oo ay ku xidhanyihiin dad tiradoodu gaadhayso hal milyan oo qof ayaa bartiisa X kaga hadlay shixnadda Gaska ah ee Hormood keentay Muqdisho waxaanu sheegay in hadii arintan la xaqiijiyo oo aanay xukuumadda Somalia ka dawbixin ay carqaladayn doonto xidhiidhka Somalia iyo Maraykanka oo waliba ay sumcad xumo ku kerni doonto dhirkadda Hormood oo u yidhi in hore loogu eedeey mad madow badan .
Qaybta ugu balaadhan ee ganacsiga Soomaalida ayaa waxa uu gacanta ugu jiraayaa shirkadaha isgaadhsiinta kywaasoo manoobali ku haysta adeegyada telfoonada,internetka,baananka,xawaaladaha,korantada,shidaalka,dhismaha,badeecadaha kala duwan sida raashinka iyo daawooyinka iyo qaar kale oo badan.
Leave a comment