Tahriibta Waxa Lagu Joojin Karaa Asbaabaha Kalifaya Iyo Kooxaha Fududaynaya Oo Wax Laga Qabto
Haatufonline,August 27,2023 – Waxa sanadwalba dalalka Geeska Afrika ka tahriiba tobanaan kun oo muhaajiriin ah oo u badan dhalinyaro iyadoo shabakadaha dadka tahriibiya ay si sharci darro ah uga talaabiyaan xuduudaha dhulka iyo badahaba. Sida la ogsoonyahay tiro aan yarayn oo ka mid ah muhaajirintaasi tahriibaya ay ku nafwaaya dhulka ay sii marayaan ama badaha ay ka talaabayaan.
Dalalka ugu badan ee Geeska ee laga tahriibo waxa ka mid ah Eriteriya, Itoobiya,Somaaliya iyo Soodaan. Dadkaasi waxa inta badan kalifa inay tahriibaan duruufo qalafsan oo dalalkooda ka jira sida saboolnimo,dagaalo iyo shaqola’aan waxaanay galaan socdaalo dhaadheer iyagoo nolol tooda dhaanta ka raadinaya wadamo shisheeye oo hodan ah gaar ahaan kuwa reer Galbeedka iyo dalalka Khaliijka.
Dariiqooyinka looga tahriibo Geeska Afrika waxa ugu caansan sadexda kala ah :
1) in dalka Soodaan laga baxo oo la maro dhulka Saxaaraha(lama dagaanka) ah si marka Liibiya la gaadho ay dadka la tahriibinayaa halkaas uga raacaan laashash rabadh ah oo badda ka talaabiya ilaa xeebaha Yurub.Tahriibtan oo ah ta ugu mashaqada iyo balanbalka badan ayaa waxa ka shaqaysta tahriibleyaasha ugu arxanka daran kuwaasoo ku caanbaxay inay qafaashaan dadkii ay tahriibinayeen oo ay lacag madaxfurasho u haystaan taasoo ay ehelkooda khasab kaga dhigaan inay bixiyaan. Dakaas oo boqolaal ah ayaa aakhirka la saaraa laashaash macmal ah oo aan qaadi karayn tirada xad-dhaafka ah ee lagu raray taasoo keenta in qaar badan oo laashashkaas ka mid ahi ay ku degaan Badda Cad ee Mediterranian-ka dhexdeeda. Inta badan waxa dariiqadan isticmaala Soodaanta,Eriteriyaanka iyo Soomaalida waxaanay ilaa intay Liibiya gaadhayaan adeegsadaan lug iyo gadiid kiro ah oo tahriibleyaashu leeyihiin.
2) in Bosaaso iyo dekado yar yar oo ku dhaw laga raaco doonyo aan inta badan dayactirnayn si loo gaadho Yeman oo halkaasna looga gudbo dalka Sucuudiga.
Dadka dariiqadan isticmaala waxay sagaashanaadkii u badnaan jireen Itoobiyaan iyo Soomaali hasayeeshee jidkani wuxu sanadahan dambe noqday mid ay Itoobiyaanka oo kali ahi isticmaalaan. Doonayha tahriibleyaasa ee ka taga Puntland ayaa qaarkood ku degaan badda iyagoon wax badan kasii maqnayn goobti ay ka shiraacdeen. Waqtiyada qaarkoodna shaqaalaha doonyaha ayaa qaar ka mid ah dadka tahriibaya xoog kaga dajiya oo badda ku tuura si ay u iskaga yareeyaan culayska xad-dhaafka ee dadka doonida saaran. Intooda saymahaasi ka badbaadda ee nolol ku gaadha xeebaha Yeman ayaa waxay lug ku galaan dalka Sucuudiga si ay shaqooyin uga raadsadaan.
3) in loo tahriibo dalka Koonfur Afrika si looga shaqaysto ama looga sii tahriibo ilaa Maraykanka iyadoo marka hore lasii dhex marayo wadamada bariga iyo koonfurta Afrika. Mudooyinkan dambe waxa soo kordhaysay tirada dadka ka baydha bariga Afrika ee sii dhex mara dalalka badhtamaha.
Inta badan waxa dariiqadan adeegsada Soomaalida iyo Itoobiyaanka waxaanay isticmaalaan lug iyo gaadiidka dhulkaba.
Maa daama ay tahriibta dadku noqotay aafo caalamiya waxay iswaydiintu tahay sideebaa looga hortagi karaa?
Run ahaanti tahriibta lama joojin karo ilaa inta la dawaynayo asbaabaha keenaya inay dadku ka haajiraan dalkoodii si ay nolol dhaanta uga raadsadaan dalal kale iyo ilaa wax laga qabanayo kooxaha dambiileyaasha ah ee dadka tahriibiya. Waxayna arintani ku iman karta iskaashi calamiya oo ku jihaysan sadex yool oo kala ah :
1) la dagaalanka saboolnimada iyo shaqol’aanta da’yarta ee ka jirta dalalka Geeska iyo joojinta dagaalada ka socda mandaqadani
2) Abuurista xidhiidh iyo wada-tashi wax ku ool ah oo dhex mara hayadaha socdaalka,sharcifulinta iyo amaanka ee dawladaha mandaqadda iyo dawladaha loo tahriibo laftarkooda si loo cidhib tiro kooxaha dambiileyaasha ee dadka tahriibiya.
3) Wacyigalin loogu caqli celinayo dhalinyarada iyo waalidkoodaba oo wax ka iftiiminaysa khataraha,silica,jidh-dilka iyo dhimashadaba leh ee ku lifaaqan tahriibta si aanay da’yartu nafahooda u miidaamin.
Leave a comment