Taipei: Somaliland Oo Sheegtay In Shiinuhu Aanu Wax U Yeedhin Karin Oo Ay Madaxbanaan Tahay
Taipei, February 11, 2022 (Haatufonline) – Weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada Essa Kayd Mohamoud, ayaa mar uu maanta shir-jaraa’id kaga qaybgalay Caasimada Taiwan ee Taipei oo ay socdaal ku joogaan ayaa sheegay in Shiinuhu aanu u yeedhin karin Somaliland cida ay xidhiidh la samaysanayaan.
Waxaanu Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland uu intaasi ku daray in ay Madaxbanaan yihiin (Somaliland), isla markaana ay sii madaxbanaanaan doonaan waligood.
Wasiirka Arimaha Dibada ayaa intii Shirkaasi Jaraa’id uu socday waxa uu ka jawaabay su,aalo ay saxaafada Taiwan ku sugani ay waydiiyeen, oo ku saabsanaa culays Somaliland kaga yimaada dhinaca dalka Shìinaha.
Wasìir Kayd oo arimahaasi ka wajaabay ayaa sheegay “Waxaanu dhalanay anaga oo xor ah, xorna waanu sii ahaan doonaa.
Hawlahayagana waxaanu u wadanaa sida aanu anagu doono. Shiinuhu waxaba nooma yeedhin karo. Wadan kalena waxba nooma yeedhin karo,” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland.
Somaliland iyo Taiwan ayaa tan iyo markii ay is-dhaafsadeen xafiisyo diblomaasiyadeed waxa sii xoogaysanayey xidhiidhka ay leeyihiin, kaas oo marar badan ka cadhaysiiyey Shiinaha Iyo Somalia oo sheegta in Taiwan iyo Somaliland ay ka tirsan yihiin dhulalkooda.