Taliyaha Cusub Ee Booliska Somaliland Oo Codsaday In Loola Shaqeeyo Sidii Taliyihii Ka Horeeyey.
Hargeysa, January 29, 2025 (Haatufonline) – Taliyaha Cusub ee Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan ayaa manta si rasmi ah ula wareegay xilkaasi, kaas oo sheegay inuu halkaasi ka sii amba qaadi doono halkii uu ciidanka soo gaadhsiiyey taliyihii hore ee Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi.
Munaasibadan xilwareejinta labada taliye oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa wax aka soo qaybgalay masuuliyiin xukuumada oo uu horkacayey Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Cabdale Sandheere, Taliyeyaasha Ciidamada Milatariga, Asluubta iyo xisbiyada qaranka Somaliland. Sidoo kale waxa munaasibada xilwareejinta ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday dalalka saaxiibka la ah Somaliland oo ay ka mid yihiin Ethiopia iyo Taiwan.
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan (Cabdiraxmaan Dheere) ayaa sheegay in wixii sharciga ah uu kala tashan doono saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Booliska “Waxa sunaha dawladdnimo uu ina farayaa in xilku uu yahay qori isku dhiib, maanta oo aan xilka kala wareegayo taliyaha Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, waxaan balanqaadayaa qoriga halkaa aan kaga qaaday in aan anna ka sii qaado oo ka horumariyo,” ayuu yidhi Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland.
Waxaanu sidoo kale Taliye Cabdiraxmaan Dheere uu ka codsaday bulshada Somaliland inay ula shaqeeyaan sidii ay ula soo shaqeeyeen taliyihii isaga ka horeeyey oo kale.
Leave a comment