Tartanka Horyaalka Horyaalada Somaliland Oo Ka Bilaabmay Hargeysa Stadium
Hargeysa, December 16, 2022 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta daahfuray tartanka ciyaaraha ee Horyaaalka Horyaalada Jamhuuriyada Somaliland.
Tartankan Horyaalka Horyaalada oo ka furmay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium ayaa munaasibadii furitaanka waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumada oo uu horkacayey Madaxweyne Biixi, kaas oo ka waramay faa’iidada ciyaaruhu (Sports) u leeyihiin dhalinyarada iyo is-dhexgalka bulshada.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha Somaliland ayaa sheegay in tartankani Horyaalka Horyaalada Somaliland uu ka kooban yahay Kubadda Cagta, Kubadda Kolayga iyo ciyaaraha fudud, waxaanu tilmaamay in maanta lagu furayo tartanka Kubadda Cagta oo ay ciyaarta u horaysaa dhexmari doonto Naadiyada Gaashaan Burco VS DP-World Berbera.
Agaasime Cabdirashiid ayaa sidoo kale tilmaamay in garoonka Hargeysa Stadium oo lagu soo kordhiyey qalabka Laydhka ay suuragal tahay in lagu ciyaaro xiliga habeenkii ah. Balse waxa uu hoosta ka xariiqay in qabashada tartankan aanay Miisaaniyada ugu jirin, oo ay uga Mahadnaqayaan Madaxweyne Biixi.
Leave a comment