Tirada Maraakiibta Ka Weecanaysa Badda Cas Iyo Suez Canal Oo Kordhaysa Iyo Khalkhalka Ganacsigii Caalamka
Qaahira,December 20,2023(Haatufonline) – Tirada maraakiibta joojisay isticmaalka Badda Cas iyo qooriga Suez Canal ayaa labadii todobaad ee u dambeeyey aad u korodhay iyadoo shan ka mid ah shirkadaha maraakiibta leh ee dunida ugu waawayni ay iclaamiyeen inay gaadiidkooda amar ku siiyeen inay ka weecdaan Badda Cas iyo qooriga Suez Canal oo ay kasoo wareegaan xidhifka ugu koonfureeya dhulka qaaradda Africa ee loo yaaqaano Cape of Good Hope halkaas oo ay ku kulmaan Badwaynta Hindiya ee dhinaca bari kaga beegan Afrika iyo Badwaynta Atlantic-ga ee kaabiga kaga haysa dhinaca galbeedka.
Arintan ayaa waxa sababay nabadgelyo darro ka dhalatay weerarada ay Xuuthiyiinta reer Yeman ay ku hayaan maraakiibta marta koonfurta Badda Cas gaar ahaan surinka Baabal Mandeb ee Yeman ku dhaw iyadoo ay Xuuthiyiintu si gaara u bartilmaameedsadaan kuwa ku socda ama ka yimaadda
dekadaha dalka Israel taasoo ay sheegeen inay ficil ahaan ugu hiilinayaan Falastiniyiinta reer Qaza isla markaana ay weeraradooda si wadi doonaan ilaa iyo intay Israel joojinayso duulaanka iyo dagaalka ay ku hayso Qaza.
Shirkadaha maraakibta ee German Hapag-Lloyd,Danish Maersk,CMA CGM iyo MSC ayaa iyagu sheegay inay gaadiidkoodii u kala gooshi jiray Aasiya iyo Yurub ay ka soo wareejin doonaan dhinaca Cape of Good Hope iyo galbeedka Afrika taasoo 13,000 km ama qiyaas ahaan 3 ilaa 4 todobaad kusoo kordhinaysa masaafaddi iyo mudadii ay u kala socon jireen dekadaha labadaas qaaradood taasoo durtaba khalkhal ku riday wax-kala-iibsigii iyo isu-socodkii badeecadaha ee caalamka isla markaana saamayn ku yeelan doonta maceeshadda dadka.
Ilaa hadda in ka badan 100 markab ayaa laga weeciyay isticmaalka Badda Cas iyo Suez Canal waxaana la filaya in tiradaasi waqti dhaw aad usii korodho maa daama amni xumadi ka jirtay Badda Casi ay wali taagantahay.
Leave a comment