Tunisia Iyo Denmark Oo Ismari Waayey

Doha, November 22, 2022 (Haatufonline) – Ciyaar adag oo xiiso leh oo ka mid ah Koobka Aduunka ee ka dhacaya dalka Qatar ayay isku-mari-waayeen xulalka Tunisia iyo Denmark oo ka wada tirsan Group D.
Labadan xul oo soo bandhigay ciyaar quruxbadan ayaa Guud ahaan haynta kubadda waxa 62% ku maamulaysay Denmar, waxaanay ahayd kooxda ugu fiicnayd guud ahaan, laakiin waxay ahayd ciyaar isku dheeli tiran.
Tunisia, ayaa heshay 13 laad marka loo eego 11-ka Denmark, waxaana Fursadii ugu fiicneyd ee ciyaarta helay Korneliyos oo bedel kusoo galay Denmark kaasoo fursad dahabi ah ka khasaariyay kooxdiisa.
Leave a comment