Ugu Yaraan 4 Qof Oo Shacab Ah Oo Ku Dhintay Dagaal Ka Socda Garoowe

Garoowe, June 20, 2023 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya Garoowe ayaa sheegaya in dagaal ka dhacay Saaka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Waanay wararku intaa ku darayaan in ugu yaraan Maydadka 4 qof oo shacab ah iyo dhaawaca tobaneeyo kale la geeyey cisbitaalka Guud ee Garoowe sida uu ku warramayo wariye Maxamed Saalax oo Garoowe ku sugan.
Dagaalkan oo u dhexeeya Ciidamo taabacsan mucaaridka iyo kuwo daacad u ah Madaxweyne Deni ayaan ilaa hadda si dhab ah loo ogayn khasaaraha labada ciidan soo kala gaadhay walow ay isu adeegsanaya hubka waa weyn.
Leave a comment