Latest News

Ujeedada Ka Dambasay Qoraal Uu Safiirka Qadar Ee Itoobiya Soo Dhigay Twitterka Ee Ku Xusay Jamhuuriyadda Somaliland

Muqdisho,March 23,2022(Haatufonline)-Qoraal uu soo dhigay safiirka Qadar u fadhiya Adisababa Xamad Al-Dosari bartiisa Twitterka maalinti doraad oo uu ku sheegay inuu la kulmay ‘Safiirka  Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Axmed’ ayaa waxa ka dhashay shaki farabadan oo ku saabsan uneedada ka dambaysay.

Inkastoo uu safiirka Qadar sacaado kadib ka tirtiray qoraalkaasi hadana dad badan ayaa aaminsan in safiirku u kasay qoraalka uu soo dhigay ee uu hadana masaxay waxaanay dadka sidaas aaminsani qoraalkaa la xidhiidjyeen doorashada dalka Somalia iyadoo ay ujeedada ka dambasay ku tilmaameen mid uu murashax Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku raali galinayey xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland si ay codkooda u siiyaan xiliga doorashada madaxweynaha Somalia oo la filayo inay dhawaan dhacdo.

Inkastoo ay wadaaradda Arimaha Dibadda ee Somalia ay jawaab  cadho iyo dhaleecayn iskugu jirta ka bixisay qoraalka uu Al-Doosari soo dhigay twitter ee uu ku xusay ‘Jamhuuriyadda Somaliland’ hadana waxa magaalada Muqdisho aad la iskula dhexmaraya in Farmaajo iyo Qadar ay ku hesheeyeen sidii ay dawladda Qadar taageero ugu muujin lahayd gooni isu taagga Somaliland si Farmaajo u kasbado taageeda xildhibaanada Somaliland isla markaana aan cid ka reer Somaliland ahi isla soo sharixin.

 

Connect with us on Facebook