Muqdisho, June 8, 2022 (Haatufonline) – Magaalada Muqdisho waxa maanta soo gaadhay wafdi ka socda ururka ONLF oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Ururkaasi Cabdiraxmaan Maadeey.
Ujeedada Wafdigani ay u yimaadeen Muqdisho ayaa lagu sheegay ka qeybgalka xafladda caleemka saarka Madaxweynaha Somalia, kadib markii ay casuumaad ka heleen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Markii ay Wafdigu soo gaadheen garoonka diyaaradaha Muqdisho waxa kusoo dhaweeyay wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Ururka ONLF ayaa waxa hore argagixiso ugu aqoonsanaa dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inkasoo Baarlamaanku uu diiday.
Sidoo kale dawladii Farmaajo Qalbi-dhagax oo ka tirsanaa ONLF waxay u gacan gelisay dowladda Itoobiya kaasoo hadda dib u helay xornimadiisa.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waqtigii uu ololaha ku jiray wuxuu ballan qaaday inuu sixi doono dhammaan waxyaabihii ay qaladay dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.