Latest News

Ururka Al-Ictisaam Oo Is-kashifay Inuu Qadar U Shaqeeyo Amarna Lagu Siiyey Inuu Taagerro Ololaha Farmaajo Iyo Khayre

Muqdisho,May 7,2022(Haatufonline)-Siday Ilo lagu kalsoonyahay u xaqiijiyeen Haatufonline,hoggaanka urur diimeedka Al-Ictisaam( ex Al-Itixaad) ayaa ogaysiis uu dhawaan u kala

diray xubnahiisa amar ku siiyey inay taageeraan ololeha Farmaajo iyo Xasan Khayre ugu jiraan doorashada madaxtinimada dalka Somalia.Siday ilahaasi noo sheegeen Al-Ictisaam ayaa go’aankan gaadhay ka dib marki ay dawladda Qadar ka heleen fariin ah in xubnaha Al-Ictisaam ku leeyihiin baarlamanka Somalia ay codkooda wareegyada hore kala siiyaan labada musharax ee Farmaajo iyo Khayre laakiin labadooda kooda soo gaadha wareega u dambeeya ay iskugu taagaan oo codkooda siiyaan.

 

Al -Ictisaam oo af iyo addinba ku taageera kooxda Al-Shabaab ayaa waxa mudo dheer lagu xaman jiray inay xidhiidh qarsoodi ah la leeyihiin dawladda Qadar.

Waxay aheyd dabayaaqadi todobaadki hore marki ay Xasan Cali Khayre iyo Fahad Yaasiin kasoo noqdeen caasimadda Qadar ee Dooxa ee ay labadoodaa iyo Farmaajo oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Al-Ictisaam ay madaxtooyada Villa Somalia ku yeesheen shir ay kaga wada tashanayeen qorshahooda ku aadan doorashada madaxweynaha ee ku beegan in la qabto 15-ka bishan.

Connect with us on Facebook