Latest News

Waa Maxay Sabta Ay Alshabaab Sida Fiinta Uga Qaylisay Inay Lacago U Dirto Nigeria Iyo Mozambique

Muqdisho,July 8 2022(Haatufonline)- Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa todobaadkan sheegay in Ururka Alshabaab uu lacago farabadan ka helo gudaha Somali gaadhayna heer uu lacago ku caawiyo kooxo ka jira dalal kale oo ay ka midyihiin Nigeria iyo Mozambique iyo waliba ururka Alqaacida laftiisa inuu dhaqaale ku caawiyo,waxaanu balanqaaday in dawladiisu ay Alshabaab kala xarbiyi doonto dhinaca dhaqaalaha soo gala.

Hadaba kooxda Alshabaab ayaa hadalkaa kasoo yidhi Xasan Sheekh sida fiinta uga qayliyey iyadoo ay ku beeniyeen jiritaankiisa qoraal dheer oo Afingiriisi ku qoran. Alshabaab may ankirin in dhaqaale farabadani kasoo galo gudaha dalka Somalia manaanay ahayn marki ugu horaysay ee arintaas lagu sheego. Waxa kaliya ee soo kordhay ee Alshabaab ka qaylisiiyay waxa weeye warka ah inay lacago u dirto kooxo kale oo argagixiso ah.Sababtuna waxa weeye Alshabaab waxay ka baqatay in eedayntani ay indhaha caalamka kusoo jeediso xawaaladaha iyo baananka Somalia gudaheeda ka furan ee ay Alshsbaab u adeegsadaan ururinta,kaydinta iyo dirista lacagahooda oo hadii khadkaa laga jaro ay taasi dhabar jab weyn ku keeni doonto dhaqaale ahaan.

Xawaladaha iyo baananka Somalia waxay ilaa hadda ka indhoqarsan jireen dhaqaalaha Alshabaab soo gala iyo qaababka ay kooxdaasi u maamulato.Hasayeeshee hadii Xasan Sheekh uu ku dhiirado la dagaalanka dhaqaalaha Alshabaab oo caalamkuna ku taageero waxaan shaki lahayn in culays xoog leh lagu saari doono baananka iyo xawaaladaha waaweyn ee Somalia inay joojiyaan la macaamilka Alshabaab hadii kale ay u diyaargaroobaan cunoqabatayn iyo sharciga oo lala tiigsado.

Waxa iyana xusid mudan in Alshabaab qoraalkooda kor ku xusan ay ku muujiyeen sida aanay raalida uga ahayn rukhsada xukuumaddu siisay labada baank ee midna Masar laga leeyahay midna Turkiga inay laamo ka furtaan Muqdisho taasoo la odhan karo waxay ugu hiilinayeen xawaaladaha iyo baananka maxaliga ah ee ay ku qarsadaan arimahooda maaliyadeed.

Connect with us on Facebook