Latest News

Wadahadalada Turkiga Uga Socday Somalia Iyo Ethiopia Oo Fashilmay Markii Labaad

Ankara, August 13, 2024 (Haatufonline) – Kulan Somalia iyo Ethiopia uga socday magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan.
Kulankan oo dawlada Turkigu ay ku doonaysay inay ku dhexdhexaadiso khilaaf Ethiopia iyo Somalia soo kala dhexgalay tan iyo Intii Somaliland iyo Ethiopia ay wadagaleen heshiiska isfaham bishii January ee sanadkan, kaas oo Somaliland ay 20km oo saldhig milatari iyo marin badeed ay kaga kiraysay Ethiopia.
Hase yeeshee Kulanka Ethiopia iyo Somalia ayay wararku sheegeen inuu ahaa mid aan fool ka fool ahayn oo ay dawlada Turkigu iskaga kala dabqaadaysay labada wefti ee Somalia iyo Ethiopia.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somalia ayaa gaadhay dalka Masar oo uu socdaal ugu baxay, waxaana la filayaa inuu la tashiyo la sameeyo dawlada Masar oo uu doonayo in heshiisyo difaac uu la galo

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*