Latest News

Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Oo Qaramada Midoobay Ka Dhex Difaacay Heshiiska Somaliland La Gashay Dalkiisa.

New York, September 28, 2024 (Haatufonline) – Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya Taye Atske Selasse, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymaha dawladda Soomaaliya ee la xidhiidha heshiiskii is-af garad ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.Waxaanu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Wasiirka Khaarajiga Itoobiya wuxuu ku eedeeyay xukuumadda aan ammaanka dalkeeda ka adkayn ee Soomaaliya inay isku dayayso inay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan gudaheeda ku qariso iyada oo hurinaysa colaado horleh.

Siday werisay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo ka hadlayay shirweynaha 79aad ee qarammada midoobay ayuu difaacay heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya waxaanu ku sifeeyay inuu ku sallaysan yahay waaqaca siyaasadeed ee geeska Afrika, loogana gol leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa in dalalka mandaqadda ku yaallaa wada gaadhaan horumar iyo barwaaqo.

Waxaanu intaas ku daray in heshiisyo kan oo kale ahi ay dhex mareen dalal kale oo adduunyada ku tirsan.

Danjire Taye, wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dhaqdhaqaaqyada ugu dambeeyay ee ay gobolka geeska Afrika ka wadaan dalal ka baxsan mandaqada isaga oo ku tilmaamay ficilladooda kuwa aan la aqbali karin isla markaana ay si degdeg ah u joojiyaan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee dawladda Federaalk Itoobiya waxa uu ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xasilloonida iyo deganaanshaha gobolku isaga oo ku baaqay in layska kaashado la dagaallanka argagixisada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*