Latest News

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Degmada Agabar ee Gobolka Gabiley.

Gabiley, June 5, 2024 (Haatufonline) – Wafti Uu Hogaaminyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ay Weheliyaan Wasiirada Wasaarada Beeraha, Biyaha Iyo Maamulka Gobolka Gabiley, Xildhibaanada Golaha Wakiilada Iyo Deegaanka Ayaa Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Degmada Agabar oo Ka Tirsan Gobolka Gabiley.

Soodhaweynta weftigan golaha Wasiirada ayaa timid kadib dhawaan markii golaha xukuumadu ay meel mariyeen gobolnimada Gabiley, sidaa darteedna dadka degmada ayaa soo dhaweyn mahadnaq ah u sameeyey wasiirada uu horkacayo Maxamed Kaahin oo sidoo kalena ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Wasiir Kaahin oo ka hadlay munaasibadii soo dhaweynta reer agabar u sameeyeen ayaa uga mahadnaqay soda loo soo dhaweeyey balse waxa uu dhaliilo u jeediyey xisbiyada Mucaaradka.

“Kursiga dalka looga talinayo Aniga waa markaygiina lagu imanmaayo, ee waxaa lagu imanayaa si dimuqraadiya ,oo nabadgeyo ah,ciday bulshadu doorataana imanaysa” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*