Latest News

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Oo Ka Jawaabay Hadalo Xisbiga Wadani Ka Soo Yeedhay.

Hargeysa, May 15, 2024 (Haatufonline) – Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in xisbiga Waddani uu caadaystay inuu aad wax uga sheego ciidanka qaranka Somaliland.
“Xisbiga Wadani Waxaa uu caadaystey Cayda iyo Aflagaadada Ciidamada Qaranka, waxayna meel walba la taagan yihiin aflagaadada Ciidanka,  awooda Ciidanka Qaranka waxay Bulshadu arki doontaa Maalinta Xuska 18 ka May, shacabkuna waxay kala dooranayaan Jamhuuriyadda Somaliland jiritaankeeda  nin ogol iyo nin diidin” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.
Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyey munaasibad loo qabtay 1,100 Arday oo ka mid ahayd Ardaydii Baratay Dastuurka iyo Waddaniyadda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*