Latest News

Wasiirka Cadaalada Somaliland Oo Kormeeray Xabsiyada Gobolada Bariga Ee Burco, Gar’adag Iyo Berbera.

Burco, February 12, 2025 (Haatufonline) – Wasiirka Cadaalada Somaliland mudane Yoonis Axmed Yoonis ayaa kormeeray xabsiyada gobolada bariga Somaliland, kaas oo u kuurgalay xaalada ay ku sugan yihiin Maxaabiista xabsiyadaasi ku jira.

Wasiirka Cadaalada Somaliland Yoonis Axmed Yoonis ayaa kormeerkan ku tagay Xabsiyada Berbera, Gar’adag iyo Burco, waxaana intii uu kormeerkaasi ku jiray uu kulamo la yeeshay Taliyeyaasha Xabsiyadaasi ee ciidanka Asluubta iyo isku-duwayaasha Wasaarada Cadaalada ee halkaasi ku sugnaa.

Wasiirka Cadaalada Somaliland Yoonis Axmed Yoonis ayaa koremeeray xabsiga weyn ee magaalada Burco, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiisha ciidanka Asluubta iyo Isu-duwaha Wasaarada Cadaalada, kuwaas oo uga warbixiyey Wasiirka Xaalada xabsiga Burco.

Wasiirka Cadaalada Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey ujeedada socdaalkooda waxaanu sheegay in uu daaran yahay u kuurgalista xaalada xabsiga Burco.

Wasiirka Cadaalada Somaliland Yoonis Axmed Yoonis ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay soomareen Xabsiga Berbera isla markaana ay sii wadi doonaan safarkooda ay ugu kuurgalayaan xaalada xabsiyada, waxaanu halkaasi uga mahadnaqay Taliyaha Xabsiga Burco iyo dhamaan saraakiisha Asluubta ee gobolka Togdheer oo uu tilmaamay inay shaqo muhiim ah hayaan. Wasiir Yoonis ayaa intaasi ku daray in “Safarkayagu waxa weeyi u kuurgalita xaalada Xabsiyada iyo in aanu qofka iyo qolka aanu soo taabano si aanu u ogaano xaalada dhabta ah ee Maxaabiista ayaanu u kuurgalaynay, dusha uun kamaanaan eegine qof iyo qol ayaanu u taabanay, waana siyaasada Madaxweynaha qaranka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu doonayo in maxaabiista dalku ay xuquuqdooda distooriga ah helaan” ayuu yidhi Wasiirka Cadaalada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*