Wasiirka Gaadiidka Ethiopia Oo Baarlamaanka Dalkaasi Uga Waramay Faa’iidada Heshiiskii Ismaham Ee Ay Somaliland La Galeen.
Addis Ababa, June 4, 2024 (Haatufonline) – Wasiirka Gaadiidka dalka Ethiopia, Alemu Sime, ayaa maanta horgeeyey Baarlamaanka dalkiisa heshiiska dawladdiisu la gashay Somaliland sannadkan 2024.
Heshiiska ay kala saxeexdeen Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed Iyo Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, 1st January 2024, ayaa dhigaya in Ethiopia saldhig millitari ka hesho Badda, taas beddelkeedana Ethiopia ay noqoto dalka ugu horreeyey ee aqoonsada madaxbannaanida Somaliland
Leave a comment