Latest News

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Aqoonsi Dadban Ku Tilmaamay Shirkii Madaxweyne Ciro Kaga Qaybgalay Imaaraadka

Hargeysa, February 12, 2025 (Haatufonline) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaale ayaa sheegay in shirkii Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu kaga qaybgalay dalka Imaaraadka Carabta uu ahaa shir ay Somaliland ku soo bandhigtay qadiyadeeda iyo muhiimada Istaraatajiyadeed ee ay leedahay.

Wasiir Ayaanle ayaa tilmaamay in shirkaasi oo ay fadhiyeen in ka badan sodon Madaxweyne uu Somaliland uga dhignaa Aqoonsi dadban oo ay heshay.

“Shir walba eraybaa ka duula ama murtibaa laga qaataa, hadaba shirkii ka dhacay Imaaraadka Carabta ee uu hadalka ka jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, erayga ka duulay wuxuu ahaa dawladdnimada Somaliland, taariikhdeeda, inay goob Istaraataji ah ku taalo iyo inay dawladd ahayd calan qaadatay oo dunidu aqoonsatay oo dawladnimadeedii hanaysay hadana dib ula soo noqotay. Doorashooyin qabsatay dimuqraadi ah oo Madaxweyneyaal si dimuqraadi ah isku badaleen, fariinta intaas leeg ayaa gudubtay,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo maanta warbaahinta ku hadlayey Hargeysa.

Dhinaca kale War qoraal ah oo uu soo saaray Wasiirka Warfaafintu ayuu ruqsadii kala noqday Telefishanka Universal oo ka hawlgalayey Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*