Weftiga Madaxweyne Ciro Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kana Waramay Kulamadii Ay La Yeesheen Masuuliyiinta Imaaraadka Carabta
Hargeysa, January 30, 2025 (Haatufonline) – Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa sheegay in weftigii Somaliland ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro uu soo dhaweyn diiran uu ka helay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo weftigu uu ku sugnaa 3 maalmood ee u dambeeyey.
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo warbaahinta manta kula hadlay kadib markii weftigaasi ay dalka dib ugu soo noqdeen, isla markaana sadexdaasi maalmood ee ay safarka ku jireen aanay warbaahinta wax xog ah ka siinin kulanadii ay la yeesheen dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Imaaraadka Carabtu uu diyaar u yahay sidii uu u maalgashan lahaa khayraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyada Somaliland.
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo arintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Dalka Imaaraadka Carabtu waxay diyaar u yihiin inay maalgashadaan dalkeena dhinac walba, haday tahay khayraadka dabiiciga ah iyo haday tahay dhinaca horumarka ee beeraha iyo xoolaha nool. Waxaanu ka wadahadalay in xidhiidhku sidii usii socdo, idinka oo arki doona dhawaan weftiyo isdaba joog ah oo ka iman doona dalka Imaaraadka Carabta.” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan.
Leave a comment