Weriye Cabdimaalik Oo Muddo Ku Xidhnaa Somaliland Oo Xoriyadiisa Dib U Helay
Hargeysa,
June 6, 2020 (Haatuf) – Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo hal sano ka
badan xidhnaa ayaa maanta dib u helay xoriyadiisii. Waxayna sii dayntiisu ku
timid cafis uu u fidiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.Weriye
Coldoon oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka gaabsaday marxalada lagu
jiro awgeed inuu ka hadlo qaabkii lagu xidhay.
“Maanta halkaan uma imaan inaan sii daayo hadalo aargoosi ah. Waxaan ku
iloobayaa marxalada maanta la marayo iyo inaan gacmaha is qabsano,” ayuu yidhi
weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon.
Coldoon ayaa sanad kahor lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah kadib markii lagu
eedeeyay inuu aflagaado u geystay madaxda Somaliland iyo faafitaanta warar been
abuur ah oo lidku ah Jiritaanka Somaliland.
Leave a comment