Latest News

Xadgudub Foolxun Oo Ciidamada Jubaland U Geysteen Tuulo Ku Taala Jubada Hoose

Kismaayo,June 27,2022( Haatufonline)-Ciidamada Jubaland ee ka amar qaata madaxweynaha gobolkaasi ee Axmed Madoobe ayaa gubay tuulada la yidhaa Qudus ee ku taala Jubada Hoose waxaanay halkaas ku laayeen dad shicib ah oo ka mid ahaa dadki tuulada deganaa.

Siday odeyaal ka tirsan tuulada la gubay ugu warameen warbaahinta, ciidamada Jubaland dadka ay laayeen ka sakow , waxay cagta mariyeen oo ay gubeen dhamaan wixi hanti ahaa ee dadku lahaayeen oo isugu jiray guryo ,gaadiid iyo duunyo kaleba.

Odayaasha dhaqanka ee tuulada ayaa ku baaqay in gurmad aadaminimo oo deg deg ah lala soo gaadho.

Deegaanka Jubada Hoose ayaa waxa ka hawlgala ururka Alshabaab oo inta badan dadka ku beerlaxawsada inay cadaalad iyo ammaan ka helayaan meelaha ay iyagu ka taliyaan oo kaliya.Xadgudubkan foosha xun ee ay ciidamada Jubaland ku kaceen ayaa ka mid ah waxayaabaha ay Alshaabaab u adeegsadaan barobagaandha ay dadka kusoo jiitaan.

Connect with us on Facebook