Xidhidhiyihii Alqaacida Iyo Alshabaab Oo Lagu Dilay Yaman.

Haatufonline April 14,2025
Maxamad Alcamaari oo ahaa xidhiidhiyihi u kala dabqaadi jray faracyada ururka Alqaacida ku leeyahay Yaman,Somalia iyo Suuriya ayaa sabtidii dhawayd lagu dilay gobolka Shabwa ee Koonfurta Yaman.
Ninkan ayaa ku dhintay duqayn cirka ah oo Maraykanku u adeegsadeen diyaarad Daroon ah, sida u sheegay talafishanka Al Xadath oo isagu warkan kasoo xigtay ilo ku sugan dalka Yaman.
Xidhiidhinta sadexdaas farac ee Alqaacida ka sakow,waxa la aaminsanyahay in Alcamaari uu mudooyinka dambe ka shaqayn jiray isku xidhka Xuutiyiinta iyo Alshabaab.
Sida la ogsoonyahay faraca Alqaacida ee Yaman iyo kooxda Xuutiyiinta ayaa muddo haatan dhawr sanadood laga joogo wada galay heshiis iskaashi oo dhinacyo militari iyo ganacsiba leh.
Madaxweynaha Maraykanka qudhidiisa ayaa xalay Soomaalida uga digay in Xuutiyiintu kusoo dhex dhuuntaan.
Dhinaca kale Axmad Alqaxdaani oo ka tirsanaa Alqaacidada Yaman ayaa waxa isna Jimcihii lagu dilay gobolka Ma’rib.
Sida la sheegay Alqaxdaani ayaa aqoon dheeraad u lahaa samaynta walxaha qarxa waxaana lagu toogtay baastoolad saaylensar ku rakibanyahay.
Leave a comment