Xidiga Paris Saint-Germain Neymar Oo Laga Yaabo Inuu Ku Biiro Chelsea

London,August 8,2023(Haatufonline) – Warar lagu daabacay qaar ka mid ah saxaafadda Ingiriisk ayaa sheegay in xidiga xulka Brazil ee Neymar uu doonayo in uu ka tago naadiga Paris Saint-Germain kaasoo uu hadda u ciyaaro.Wargayska Dailymail Sports ayaa isagu cadadkiisii shalay ku sheegay in wadahadalo ku saabsan sidii Neymar ugu biiri lahaa naadiga Chelsea ay u kala socdaan la taliyeyaasha Neymar iyo masuuliinta Chelsea.Neymar oo u ciyaari jiray Barcelona ayaa sanadkii 2017 waxa 222 milyan Euro ku iibsaday naadiga Paris Saint-Germain.
Leave a comment