Latest News

Xil. Faarax Macalin Oo Looga Yeedhay Guddida NCIC Si Wax Looga Waydiiyo Hadalo Kicin Ah Oo Ka Soo Yeedhay.

Nairobi, July 10, 2024 (Haatufonline) – Guddida isdhexgalka qaranka ee dalka Kenya ayaa u yeedhay Xildhibaan Faarax Macallin oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Kenya oo laga soo doorto Dhadhaab inuu maalinta barito 11 bishan uu hortago Guddida si uu u iftiimiyo hadaladii uu ka dhawaajiyay ee ku saabsanaa Mudaaharaadyadii dhawaan ka dhashay Hindise Sharciyeedka Maaliyadda 2024-ka ee muranka dhaliyay.
NCIC waxa ay sheegtay in ay baadhayso hadaladii ka soo yeeray xildhibaanka oo ku hadlayay afka Soomaaliga, halkaas oo uu ku sheegay in uu ‘layn lahaa 5000 oo mudaharaadayaasha Gen Z’ haddii uu Madaxweyne ka ahaan lahaa Kenya.’
Hadaladan wax laga waydiinayo Xildhibaan Faarax Macalin ayaa looga arkay dalka Kenya inay xambaarsanaayeen ama ka dhalanayaan rabshadaha salka ku haya dareenada Nacaybka, quudhsiga, cadaawadda, ama takoorka, oo saameeya wada noolaanshaha u dhexeeya qoomiyadaha iyo kooxaha siyaasadaha kala duwan ee Kenya, taasoo lid ku ah Qaybta 13 (1) (a) ee Xeerka NCI.
Guddidan NCIC ayaa la sameeyey kadib Rabshadihii ka dhashay doorashadii 2007-2008 ee dhexmaray qoomiyadaha dalkaasi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*