Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Shaaciyey Inuu U Tartamayo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani
Hargeysa, October 28, 2021 (Haatufonline) – Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani, ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu u tartamayo Guddoomiyaha Xisbigaasi, oo dhawaan lagu dooran dooro sbirweynaha Xisbiga ee ka qabsoomaya Hargeysa.
Hoggaamiye Xirsi oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Xisbiga Waddani, ayaa sheegay inuu aamisan yahay inuu ku haboon yahay hoggaaminta Xisbiga Waddani, waxaanu yidhi “Waxaan shaacinayaa in aan Musharrax u ahay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo aan hogaamiyo Xisbiga haddii la ii garto, waxa aan aaminsanahay in aan ku habboonahay hoggaaminta Xisbiga aqoon ahaan iyo waayo aragnimo ahaan ba,” hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan.
Dhinaca kale Hogaamiyaha waddani xirsi Xaaji Xasan, ayaa Guddida qaban-qaabada shirwaynaha Waddani ku wareejiyey lacagtii iyo CV-giisa looga baahnaa musharraxiinta jagada Guddoomiyaha.