Latest News

Xisbiga Kulmiye Oo Ka Shiray U Diyaargarowga Doorashada Madaxtooyada Iyo Ururada

Hargeysa, May 25, 2024 (Haatufonline) – Hoggaanka sare ee xisbiga haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa shir muhiim ah yeeshay maanta (25 May 2024).
Kulankan oo uu shirguddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Daakhiliga dalka, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed oo ay ku wehelinayeen xubnaha hoggaanka xisbigu, waxa lagaga wadahadlay qodobo la xidhiidha u diyaar-garowga doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda, kuwaas oo ay ugu mudnaayeen; daadejinta qorsheyaasha xisbiga KULMIYE u dhigay inuu ku galo doorashooyinka iyo xoojinta abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga ee heer qaran ilaa mid degmo.

Shirkan ayaa dabasocday kulamo is-daba-joog ah oo maalmihii u dambeeyey u socday hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo u diyaargaroobaya doorashooyinka oo uu ku tartamo Waxqabad muuqda oo uu hirgeliyey, guusha aqoonsi buuxa oo dalkani helo oo bilowgiisii la hayo, Difaaca Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland iyo ka midho- dhalinta himilada ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*