Latest News

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Oo soo dhaweeyay heshiiskii is-faham ee ay dhawaan kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Adis Ababa, May 24, 2024 (Haatufonline) – Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa soo dhaweeyay heshiiskii is-faham ee ay dhawaan kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya.

Sidaasna waxa sidaasna daabacay wargeyska The Ethiopian Herald oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA. Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI, Maxamuud Aadan Jaamac ayaa sheegay in mowqifka xisbigoodu yahay inay soo dhaweynayaan heshiis kasta oo kor u qaadaya iskaashiga labada dal walaalaha ah ee Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in xisbiga WADDANI uu ku niyadsan yahay cilaaqaadka ay Itoobiya la leedahay dawladda Somaliland.

Xoghayaha Warfaafinta WADDANI waxa kaloo uu ku dooday haddii xisbigoodu ku guulaysto doorashada madaxtinimada ay kor u sii qaadi doonaan cilaaqaadka iyo iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya.

Maxamuud Aadan Jaamac waxa uu carabka ku dhuftay inuu dhiirigelinayo dawladda Itoobiya inay galangal ku yeellato badda Somaliland, isla markaana la dhiso kaabeyaasha dhaqaalaha. Waxaanu tilmaamay in soohdin nabdoon iyo xasiloonida xudduuduhu yihiin masaalixda ugu wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal.

“Waxaanu soo dhaweynaynaa heshiis kasta oo labada dalba ay si wadajir ah faa’iido ugu jirto,”ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI, waxaanu tilmaamay in Somaliland ay u dhoofin karto Itoobiya kalluunka, halka Itoobiyana ay bad ka heli karto Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*