Latest News

Xisbiga Wadani Waa Ku Ceeb Inuu Qabyaalad Ugu Hiiliyo Nin Cadowga Somaliland Soo Adeegsaday

Hargeysa,August 23,2021( Haatufonline)-Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani ayaa masuuliin ka tirsan oo iska daba hadlay difaaceen ninka la yidhaa Cabdulmaalik Coldoon oo dhawaan la xidhay ka dib markii laguu eedeeyey abaabulka falal kicin ah iyo dhiiri galin weeraro argagixiso ah oo lala beegsado dadka ajaanibka ah ee ku nool Somaliland.
Coldoon waxa uu Jaamacadda Barwaaqo ee Hablaha iyo Dugsiga Saree Abaarso labadaba ku eedeeyey in ardayda lagu kiristaameeyo isagoo wax daliil u haynin waxaanu eedayntaasi ka dhigtay kaambeen uu ku dhaleeceeyo isla markaana dadweynahana ku diro labadaas dugsi.
Inkastoo dhammaan ardaydi labadaas xarumood ka baxday iyo kuwa haatan wax ka dhigtaaba ay si kulul u beeniyeeyeen eedaymaha kasoo butaacayey Coldoon haddana isagoo adeegsanaya baraha bulshada iyo warbaahinta kale ayuu sii watay kaambeenkiisii waxaana soo shaacbaxday shabakad dhan oo ku taageeraysay ololehiisa ceebaynta, khalkhal-galinta iyo isku dirka bulshada Somaliland iyo waliba halis-galinta dadka ajaanibka ah ee ku nool Jamhuuriyadda Somaliland.Coldoon waxa laga hagayey Villa Somalia waxaana taageerayey Cayayaanka Baraha Bulshada(CBB) ee u shaqeeya Farmaajo iyo Garowe,Agoonti Kacaanka iyo Xagjirka meelkasta jooga.Waxaseh nasiib darro ah in Xisbiga Wadani iyo qaar ka mid ah taageerayaashiisu ay qabyaalad darteed ugu biireen hugunkaa ay cadaawadda Somaliland isu keentay.
Kaambeenkan Coldoon waxa uu socday sanado badan oo inkasoo ay jiraan macalimiin ajaanib ah oo haysta diimo aan aheyn ta Muslinka oo wax ka dhiga jaamacadaha iyo dugsiyada kale ee dalka hadana waxa uu bartilmaameedsay oo kaliya dugsiga Abaarso si aan loo odhan waxbarashada oo dhan ayuu la dagaalamaya.Waxa uu Coldoon xata baraha bulshada soo dhigay sawirka hablaha wax ka barta dugsiga Abaarso oo uu faalooyin cay ah iyo aflagaado ah ku hoos qoray taasoo ay waalidiintii hablahaasi maxkamad kula tiigsadeen.
Waxay aheyd June 2019 markii ay maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ay dacwaddi waalidiintu kusoo oogeen ay goaan kasoo saartay iyadoo Coldoon ku xukuntay xadhig 3 sanadood iyo 6 bilood ah.Xiligaasna Wadani iyo taageeroyaashiisu waxay cambaareeyeen xadhigii maxkamaddu ku xukuntay Coldoon waxaanay ku tilmaameen mid dulmi ah.Xisbiga Wadani mu eegeen muwadiniinta waliba hablaha ahaa ee meel lagaga dhacay ee waxa uu isgarab taagay ninkii daalimka ahaa.Aakhirki markay aheyd sanadkii 2020 ayuu gudoomiyaha Wadani Cabdiraxmaan Cirro si shakhsi ah u waydiistay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi in Coldoon cafis lagu sii daayo taasoo u madaxweynuhuna ka yelay iyadoo aanu kala tashan dhibanayaashii meelka dhaca loo gaystay.Maantana halkii uu iska fogaynlahaa ninkan Cadawga Somalilad ku shaqaysto iyo shuquladiisan sumcad dilka iyo dhirigalinta argagixisinimada ah, Wadani halkiisii hore ayuu ka miisay oo waa taas Somaliland inteedii kale oo dhami kula yaabsantahay.

Dusiga Abaarso waxa uu waxbarasho dibadeed oo bilaash ah usoo helay in ka badan 200 arday oo inamo iyo hablaba iskugu jira oo qaarna hadda wax ka bartaan qaarna kasoo qalinjabiyeen jaamacadaha ugu caansan dunida sida Harvard,Yale,MIT iyo qaar kale.
Cid ka gaalowday iyo cid wax daqhan xumaan ah lagu sheegay oo ardaydaas ka mida lama hayo.Cid Somaliland iyo aadaminimada u cadow ah uunba ku hamiyi karta burbrinta dugsiga caynkaas ah oo kale ah.Jaamacadda Barwaaqo waxa loogu talo galay inay soo saarto macalimiin hablo ah oo hadhaw dugsiyada wax ka dhiga.Briga Afrika oo dhan kama jirto jaamacad hablaha u gaar ah oo lagu tababaro maclinnimada ,waana arin ay Somaliland aad ugu baahneyd. Hawenay reer Nigeria ah oo mar Kaniisad u shaqan jirtay oo waliba aan bare ka ahayn jaamacadda balse ku jirta boardka jaamaadda in laga dhigto sabab loogu burburiyo Barwaaqo wax la qaadan karo maaha.
Qofkasta oo caqli lihii wu garanaya in ujeedada kama dambaysta ah ee kambeenkani tahay in Somaliland laga dhex abuuro argagixisinimo oo hilfaha loo qaado nabadda ee degenaanshaha dalkan si markas loo qabsan karo.Wadani hadii uu islahaa sidaas aye kugu badinaysaa waxa hubaal ah in aanu ka macaashi doonin balse eedi doono lSomalilandna maanta maaha beed bururaya ee waxay ku taagantahay cago iyo tiirar adag oon la loodin karayn.

Connect with us on Facebook