Xisbiyada Mucaaridka Oo Kulan La Yeeshay Dalalka Somaliland Ka Taageera Doorashada
Nairobi, November 24, 2021 (Haatufonline) – Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa kulan Nairobi kula yeedhay qaar ka mid ah dalalka iyo Hay’addaha Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka.
Waxaanay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya in labada dhinac ay ka wadahadleen Qabsoomida Doorashada madaxtooyada ee sannadka soo socda iyo sidii ay wakhtigeeda ugu dhici lahayd.
Weftiga Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee Ucid iyo Waddani waxa hoggaaminaya Faysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Ciro iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan.