Latest News

Xubno Ka Mid Ah Weftiga Madaxweynaha Soomaaliya Oo Imaaraadka Carabta Lagu Karantiilay

Muqdisho, June 22, 2022 (Haatufonline) – Xubno kamid ah wefdigii madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud u raacay dalka isku tagga Imaaraatka ayaa la galiyay karantiil ah, kadib markii laga helay Corona Virus.
Waxaanay arintani ay keentay in dib loo dhigo safarka madaxweynaha Soomaaliya uu dib ugu laaban lahaa Soomaaliya.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa ku waramaysa in xaalada Madaxweyne Xasan Sheekh ay fiicantahay oon laga helin xanuunka Covid19, waxaana laga yaabaa inuu maalmo kale sii jooga magaalada Dubai.
Xafiiska warfaafinta Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo xogta arrintan la xidhiidha, iyada oo qeyb kamid ah baraha bulshada lagu qorayo in madaxweynaha Soomaaliya laftiisa laga helay Covid19.

Connect with us on Facebook