Xukuumada Somaliland Oo Bixinaysa Lacagaha Deebaajiga Ah Ee Ku Waajibay Musharixiinta Haweenka Iyo Beelaha Lahayb Sooco
Hargeysa, March 1, 2021 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WHM/240-718/03202 ku go’aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
Og: Guddoomiyaha Xisbiga UCID
Og: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI
Og: Xisbiga KULMIYE
Og: Xisaabiyaha Guud ee Qaranka
Og: Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka
Og: Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ujeeddo: Deebaajiga Murashixiinta ee Haweenka iyo Dadka-La-Hayb Sooco
Mudane Wasiir,
Sida aad la socoto Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020 Qodobka 68aad iyo Qodobka 83aad waxa ay ku waajibinayaan Murashixiinta Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka in ay bixiyaan Lacag Deebaaji ah, kuna shubaan Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
Haddaba, si ay xukuumaddu u dhiirigaliso ka qayb-galka Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco waxaan go’aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.
Sidaa darteed, waxa aan ku war-gelinayaa Xisbiyadda Qaranka in ay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda u gudbiyaan faah-faahinta murashixiinta kor ku xusan ee shuruudihii sharciga buuxiyey.
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa la farayaa in ay bixiso lacagta sharcigu ku waajibiyey murashixiinta kor ku xusan ee shuruudaha buuxiyey ee ay kuu soo gudbiyaan Guddoomiyayaasha Xisbiyada Qaranku.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Leave a comment