Latest News

Xukuumadda Somaliland Oo dalka ku soo dhawaysay wefti ka socda Baarlamanka Maraykanka

Hargeysa, June 17, 2024 (Haatufonline) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dalka ku soo dhawaysay wefti heer-sare ah oo hawl-wadeenno ka socda Aqalka Baarlamanka Maraykanka ee Koongaraska (US Congressional Staff) oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Egal Airport ee caasimadda Hargeysa.

Weftigan ka socda Golaha Congress-ka oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan Mac-hadada Humpty Dumpty Institute (HDI) iyo American Global Institute (AGI), waxa madaarka ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd, saraakiil kale oo ka tirsan Xukuumadda iyo Dr Jaamac Muuse Jaamac oo ah Guddoomiyaha Ururka Seeska Hidddaha iyo Dhaqanla ee Ressea Cultural Foundation (RCF) oo door ku lahaa safarka wefti.

Waa booqashadii labaad ee xaqiiqo raadin ah ee wefti Hawl-wadeenno ka socda Golaha Baarlamanka Koongarayska Maraykanku ku yimaadaan Jamhuuriyadda Somaliland muddo labo sanno ah gudahood, waxaana lagu wadaa in muddada ay dalka ku sugan yihiin sameeyqqn xog-ururin la xiddhiidha dhinacyada ay iska kaashan karaan labada waddan ee Somaliland iyo Marayanku ee danahoody ku jiraan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*