Xuuthiyiinta Looma Taag Waayeene Qaabkii Looga Hortagay Ayaa Wax Ka Khaldanaayeen
Haatufonline, October 26,2024
Xuuthiyiintu weerarada maraakiibta marta Badda Cas waxay bilaabeen October 2023 ilaa maantana way wadaan.
Waxa lagu dayey oo loo maray dhinaca diblomaasiyadda si loogu qanciyo inay joojiyaan weerarka ay ku hayaan gaadiidka badda. Ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa bishii January Xuuthiyiinta ku bilaabay duqayn cirka ah si loogu qasbo inay maraakiibta ammaan siiyaan. Laakiin taasi umay qudhquudhsamin.
Hadaba waxa u baahan in la iswaydiiyo sababta qorsheyaashii Xuuthiyiinta lagala hortagay ku fashilmeen inay ka joojiyaan gantalaha iyo daroonada ay la beegsanayaan maraakiibta?
Runahaantii Xuuthiyiinta looma taag waayeene waxa estiraatiijiyadii lagala hortagay ka maqnaa qodobkii ugu muhiimsana oo ah kaalintii ay dawaldda sharciga ah ee Yaman gaar ahaan ciidamadeeda ku sugan koonfurta Yamani ka geysan lahaayeen xaqiijinta hadafkaasi.
Hadii la doonayo in Xuuthiyiintu wax maqlaan waa in si dhab ah loo xoojiyo ilaalada badda iyo ciidanka Cadan si ay gudan karaan waajibka dawlad ahaan ka saaran inay sugaan ammaanka marinada badda oo waliba Maraykanka iyo Sucuudiguba ay arintaasi ka badheedhaan.
Ciidamada badda ee dawladaha reer galbeedku way ku fashilmeen inay wada joojiyaan hubka iyo shidaalka ay Iran ku taakulayso Xuuthiyiinta. Taakulantaas waxa koonfurta Iran lagaga soo qaadaa doonyo yar yar oo adeegsada xeelado ay iskaga qariyaan Ciidamada badda ee caalamiga ah iyo Kormeereyaasha Cunoqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay. Waxa seh arintan wax weyn ka tari kara ilaalada badda ee Cadan oo iyagu aqoon iyo waayo-aragnimo u leh tabaha iyo dariiqooyinka lagu tahriibiyo hubka, badeecadaha iyo dadkaba.
Xuuthiyiintu waxay waxkasta kala soo dagaan dekadaha Al-Xudayda,Saliif iyo Raas Ciisa.Waxa loo baahanyahay in dawladda Yamani dekadahaas la wareegto ama adcafal iimaan in Xuuthiyiinta qasab lagu aqbalsiiyo sidii ay Kormeerayaasha Qaramada Midoobay u gudan lahaayeen shaqadooda taasoo ah hubinta in hub (iyo shidaal Iran ee xayiraaddu saarantahay) ku jirin alaabaha laga soo dajiyo dekadahaasi.
Leave a comment