Xuuthiyiinta Oo Xabsiga Sanca Kasoo Daayey Xubno Ka Tirsan Al-Qaacida Iyo Cadan Oo Ka Qaylisay
Haatufonline,December 18,2024
Kooxda Xuuthiyiinta ee Iran taageerto ayaa dhawaan oodda ka qaaday maxaabiis ku xidhnayd jeelka magaalada Sanca oo ka tirsanaa faraca Al-Qaacida ee dalka Yaman.
Xubnaha lasoo daayey ayaa waxa ka mid ah Abu Cadaa oo xabsiga ku xidhnaa tan iyo 2012 kana mid ahaa hogaamiyeyaasha dagaal ee Qaacidada Yaman.
Abu Cadaa ayaa loo haystay inuu soo abaabulay falal argagixisonimo ah gaar ahaan weerar is-qarxin ah oo lala beegsaday dabaal dag ciidan oo lagu soo bandhigayey magaalada Sanca,falkaas oo sida la sheegay ay ku qudhbaxeen ilaa 80 askari.
Dawladda la aqoonsanyahay ee Yaman oo sida fiinta uga qaylisay maxaabiista Alqaacida ee laga sii daayey jeelka Sanca ayaa ka digtay khatarta ka dhalan karta waxay ku tilmaamtay is-faham dhexmaray Xuuthiyiinta iyo faraca Alqaacida oo ku qotoma inay labada kooxood iska kaashadaan dhinaca hawlgalada milatari ee ku aaddan bariga iyo badaba.
Wasiirka warfaafinta dawladda Yaman Macamar Al-Eryaani ayaa bishii November beesha caalamka ugu baaqay inay mawqif adag oo wax ku ool ah iska taagto iskaashigan si looga hortago khatarta uu ku yeelan karo amniga mandaqada iyo caalamkaba.
Al-Eryaani ayaa beesha caalamka ka dalbaday taageero mug leh oo ay xukuumaddiisu kulasoo ceshan karto dhulka ka maqan ee ay Xuuthiyiintu sharci darada kula wareegeen sida qaybo ka mid ah xeebaha isla markaana loo tabaabushaysto dagaal lagu qaado ilaha dhaqaale ee Xuuthiyiintu ka helaan lacagta ay ku maalgaliyaan weerarada ay la beegsadaan maraakiibta marta Badda Cas.Waxa kale oo uu wasiirku ku taliyey in Xuuthiyiinta loo aqoonsado ururu argagixiso oo caalami ah.
Leave a comment