Xuutiyiinta Oo Gantaalada Ridada Dheer Kusoo Weeraray Madaarka Cadan Xili Ay Soo Fadhiisatay Diyaarad Siday Madaxdi Dawladda

Xuutiyiinta Oo Lagu Eedeeyey Inay Ka Dambeeyeen Weerarkii Arbacadi Shalay Lagu Qaaday Madaarka Cadan
Cadan,December 31,2020(Haatufonline)-Xukuumadda Sharciga ah ee dalka Yaman ayaa maleeshiyaadka Xuutiyiinta ku eedeeyey inay ka dambeeyeen weerarki madaafiicda iyo gantaalaha lagula beegsaday madaarka Cadan Arbacadi shalay.Afhayeen u hadlay ciidamada Isbahaysiga Sucuudiga iyo Imaaraatka ayaa isaguna Xutiyiinta u xambaariyey eedaasi qaar la mid ah .Hasa yeeshee Afhayeenka Isbahaysigu waxa uu intaas ku daray in 2 cisho ka hor intii aanu weerarkani dhicin ay soo rideen 2 diyaaradood oo Daroon ah oo ku jihaysnaa dhinca buurta Macaashiq ee ay ku taalo madaxtooyada Yaman ee sida kumeel gaadhka ah u daggan magaalada Cadani.
Dhinaca kale waxa ilaa hadda la xaqiijiyey in 20 qof ay ku dhinteen tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.
Leave a comment