Xuutiyiinta Oo Gudaha Yaman Ka Furay Xeryo Ay Ku Tababarayaan Dhaliyaro Canfar Ah

Haatufonline,February 19,2025
Qorshe lagu abuurayo kooxo ka hawlgala Geeska Afrika oo taabacsan dalka Eeraan oo khatar galinaya maraakiibta marta Badda Cas ila Badwaynta Hindiya ayaa ka socda gudaha dalka Yaman.
Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto ayaa in dhawaydba xeryo qarsoodi ah ku tababarayey dhalinyaro kasoo jeedo qabaayilka dadka Canfarta ah ee ku kala nool sadexda wadan ee Jibuuti,Ereteriya iyo Itoobiya.
Sida uu sheegay Maxamed Axmed Cali Yaciidi oo tababar kusoo qaatay mid ka mid ah xeryahaasi ayaa sheegay in tababarka ciidan ka sakow dhalinyarada Canfarta ah lagu hanuuniyo oo la sharaabyo mabaadiida iyo mad-habyada laga aaminsanyahay Eeraan si looga dhigo dad daacad u ah siyaasadaha Iiraan.
Cali Yaciidii oo nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Ereteriya ayaa dhawaan isu soo dhiibay ciidanka dawlada sharciga ah ee Yaman waxaanu daboolka ka qaaday in ujeedada ay Iiraan ka leedahay qorshahani tahay inay xeebaha wadamada Geeska iyo Bariga Afrika ku yeelato kooxo hubaysan oo taabacsan oo la mid ah Xuutiyiinta si ay ugu fushato danaheeda istraatiijiga ah.
” Saraakiil Canfar ah oo arintan kala shaaqeeya Xuutiyiinta ayaa ii sheegay inay Iiraan ka haystaan balanqaad ah inay siiso taageero ka balaadhan tii ay siin jirtay Xuutiyiinta iyo Xisbula si ay usoo dhacsadaan dhulkooda Canfarta oo uga dhigaan dal madaxbanaan” ayuu yidhi Maxamed Cali Yaciidi.
Leave a comment